image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sirdoonka Jubbaland oo soo bandhigay ruux la sheegay inuu Bambo gacmeed ku weeraray isbitaalka Kismaayo

Ciidanka Nabadsugida ee Maamulka Jubbaland, ayaa magaalada Kismaayo ku soo bandhigay shaqsi ay ku Eedeyeen inuu katirsan yahay Al-shabaab, laguna magacaabo Cali Shidaad Ayuub oo Bambo gacmeed ku tuuray isbitaalka magaalada Kismaayo.

Shaqsigan ay soo bandhigeen nabadsugida Jubbaland, ayaa sida uu qirtay waxa uu muddo 7 sanno katirsanaa Kooxda Al-shabaab, isaga oo sannadkii 2018-kii isku soo dhiibay Ciidanka Jubbaland, waxaana lagu xareeyay xeryaha dhaqan-celinta dagaalyahanada kasoo goosta A-shabaab.

Sidoo kale waxaa uu qirtay in markale ciidanka Jubbaland ay xireen sannadkii 2019-kii isaga oo weerar Bambo gacmeed ka geystay Magaalada Kismaayo, isla markaana lagu xukumay sanad iyo bilooyin, kaddibna lasii daayay.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay in asiga oo ku shaqeynasanaya goomiste ay soo waceen rag katirsan Al-shabaab, si uu weerar uga fuliyo xarunta Magaalada Kismaayo, balse waxa uu tilmaamay in tiro 3 jeer ah uu Telfoonka ka dansaday, hayeeshee ay markii dambe dil uga hanjabeen haddii uu amarkooda qaadan wayay oo uu fulin waayo waxa ay rabaan.

Ugu dambeyn Cali Shidaad ayaa sheegay in markii dambe ku qasbanaaday inuu fuliyo weerarka Bambo gacmeed uu ku qaaday isbitaalka Magaalada Kismaayo oo markaas lagu dabiibayay Askartii ku soo dhaawacantay dagaalkii Ciidanka xooga dalka iyo Jubbaland ay ku galeen todobaadkan deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.