image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Jubbaland oo diyaarad soo saartay askartii ay ku qabatay dagaalkii Raaskambooni

Gelinkii dambe ee shalay waxaa Magaalada Muqdisho la keenay qaar kamid ah askartii Jubbaland ay ku qabatay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Mas’uuliyiin isugu jiro saraakiil, wasiirro iyo maamulka Degmada Kismaayo ayaa garoonka diyaaradaha deegaanka Raaskambooni, kasoo sagootiyey ciidanka.

Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland, ayaa taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ku wareejiyay askarta lagu qabtay dagaalka, isla markaana waxa ay tilmaameen inay ka xun yihiin in wiilal soomaaliyeed maxaabiis ahaan loo qabto.

“Maxaabiis kuma tilmaami karno wiil Soomaaliyeed oo ah kuwii xoogga dalka, waana ka xunahay wixii dhacay, balse waxaa ku faraxsanahay inaan dib ugu celino ayagoo nabad qaba Muqdisho iyo guryahoodi, dowladda waxaan ugu baaqeyna in wixii dhacay oo kale ay ka fiirsato, anaga hal cadaw ayaa leenahay waa Khawaarijta, hada taliyahii qeybta 43-aad oo Kismaayo ka howlgala ayaa inala socda oo Kismaayo nagala yimid marka ciidankan waa walaalo dhamantood waana ka xunahay wixii dhacay” ayuu yiri mas’uul u hadlay Jubbaland.

Dhinaca kale askartan lagu qabtay dagaalka ayaa isugu jira militer, nabad sugid iyo Boolis, waxa ayna askarta qaar oo la hadashay warbaahinta ay shegeen in si wanaagsan loola dhaqmay, isla markaana ay ku faraxsan yihiin in dib loogu celiyo Magaalada Muqdisho.

Sikastaba, todobadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii dagaal khasaaro dhaliyay uu deegaanka Raaskambooni ku dhex-maray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, kaasi oo gacan ku heynta deegaanka ay kula waregeen ciidanka Jubbaland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.