image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxey kawada hadleyn Danjire Fardowsa iyo xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda ee Yaganda ?

Magaalada Kambaala ee Caasimada Dalka Yuganda,waxaa ka dhacay kulan dhex-maray Amb. Fardowsa Maxamed oo ah Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Yuganda iyo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda Vincent Bagira.

Kulanka  ayaa looga hadlay arrimo badan oo xariirka labada dal ah iyo sidii sare loog sii xoojin lahaa, iyada oo labada dalka iska kaashanayaan amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha muhuumka u ah labada dowladood.

Danjire Fardowso ayaa uga mahadcelisay dalka Uganda, sida ay uga qeyb qaataan had iyo jeer nabadda iyo dawlad dhiska Soomaaliya, waxa ayna balanqaaday in ay ku dadaali doonto xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Uganda.

Danjiraha iyo Xoghayaha Joogtada ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in la qabto shirarkii Guddiyada Wadajirka ah ee labada dhinac (Joint Permanant Commission’JPC) iyo xilliga ugu haboon ee ay tahay in la qabto iyo sidii loogu diyaargaroobi lahaa, iyadoo lagu wado in kulanka soo socda uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Danjire Fardowsa ayaa intaas kadib ugu dbisay Xoghayaha Joogtada ah dhowr arrimood oo muhiim u ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan dalkan Uganda, kuwaas oo u baahan in oo in wax laga qabto.

Xoghayaha Joogtada ayaa kale balan qaaday in ardayda Soomaaliyeed loola macaamili doono sida kuwa EAC-da, isagoo hoosta ka xariiqay in arrinka kala fariisanayaan Wasaardda Waxbarashada, kadibna la gaarsiin doono dhammaan hay’adaha waxbarashada Uganda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.