image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Gabar Weriye ah Oo Muqdisho lagu Weeraray

Weriye Aisha Abass Tahliil oo ka tirsan wargayska ugu afka dheer Muqdisho ee Xog-doon ayaa caawa abaaro 07:30 PM koox ku hubeysan bistoolado waxa ay ku weerareen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

 

Waxaa la maqlayay rasaaas xoogan  oo  goobjoogayaashu ay sheegayaan in lagu furay gabadha weriyaha ah ee la beegsaday inkastoo waxyeelo aysan gaarin haddana kooxda dilkaas damacsanayd ayaa goobta isaga baxsatay.

Si dirqi ah ayay kooxdan oo la rumeysan yahay in ka tirsan yihiin Al-Shabaab kaga badbaaday Weriyaha, waxaana rasaasta ku soo baxay ciidan ka tirsan Dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya halkaas oo iska caabin ay kala kulmeen kooxdii weerarka ku soo qaaday weriye Aisha Abass Tahliil.

Weerarkan lagu  damacsanaa in lagu khaarijiyo wariyaha ayaa dhacay xili ay ka soo laabatay shaqo maalmeedka ee Wargayska Xog- Doon ee ka soo baxa magaalada Muqdisho.

Weriye Aisha Abass Tahliil ayaa si wayn wax uga qorta tacaddiyada ay kooxaha hubeysan sida Al- Shabaab ama xittaa dhanka dowladda ay u gaystaan dumarka Soomaaliyeed.

Dhowr jeer sida ay sheegtay weriye Aisha Abass Tahliil  kooxdaayaa ugu hanjabtay in ay khaarijin doonaan haddii aysan  joojin qoraalada ay ka samaynayso tacaddiyada ay u gaystaan haweenk, iyadoo oo la kulmaysay maalmihii la soo dhaafay hanjaabyo iyo wicitaano toos ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan beegsata suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala warbaahinta madaxa banaan, waxaana jira dilal badan oo ay u gaysteen suxufiyiin dhawr ah oo rag iyo dumarba isugu jira .

Weriyaal  badan ayaa dalka isaga cararay cabsi ay ka qabaan Al- Shabaab iyo sidoo kale caburinta kaga imaanaysa dhanka dowladda Soomaaliya.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.