image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku xirnaa Xabsiyada Liibiya oo la keenay Muqdisho

In ka badan 160 tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo laga soo saaray xabsiyada dalka Libya oo kooxo magefayaal ah ay ku heysteen ayey dowladda Soomaaliya maanta dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo intooda badan garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

74 ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee laga soo saaray xabsiyada dalka Libya ayaa maanta laga dejiyey magaalada Hargeysa ee waqooyiga Soomaaliya, halka 87-da kale laga soo dejiyey caasimadda Muqdisho, tirada guud ee dadkaan ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay xabsiyadii ay ku dhibanaayeen ee dalka Libya oo dhallinyaro u badan ayaa ah 161 qof, Midowga Yurub iyo Hay’adda IOM ayaa dowladda ka taageeray soo celinta dadkaan.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Libya Danjire Cabdi Aadan Diiriye, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ugu qaabilsan muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta Maryan Yaasiin iyo Guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga qaranka, xubno ka socda UNHCR, Midowga Yurub iyo IOM ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey 87 qof oo kamid ah dadkii ay dowladda Soomaaliya kasoo badbaadisay magefayaasha Libya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.