image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda Dhexe oo diwaan gelin ku biloowday ciidankii kasoo goostay Maamulka Jubbaland

Dowladda Federaalka ayaa sida aan wararka ku heleyno biloowday in ay diwaan geliso boqolaal Askari oo katirsanaa Ciidanka Jubbaland, balse dhowaan ku soo biiray Ciidanka xoogga Dalka ee ku sugan Deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Cidiamadan, ayaa markii hore waxa ay Raaskamoobi u yimadeen inay la dagaalan Ciidanka Xoogga, balse markii dambe ayey go,aansadeen inay ku biiraan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa dowladda Federaalka waxa ay hadda u diiwaan gelineysa inay helaan Xaquuqdooda ay ku lee yihiin ciidanka xoogga, maadama ay ku soo bireen,isla markaana mid saraakiishi hoggaamineysay Ciidamada uu Warbaahinta Qaranka u cadeeyay inaysan diyaar u aheyn in dowladda ay dagaal kala horyimadaan, ayna sababtay inay ku soo biiraan Ciidanka xoogga Dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ka mid ahaa saraakiisha ka soo xarootay Jubaland ee loo soo diray inay calankooda xabadeeyaan, waa diidnay, go’aankeena maaha inaan calanka Soomaaliya xabadeyno, 14-sano ayaan u shaqaynayey Jubaland wax xuquuq ah ma lahayn” ayuu yiri Khadar Cali Ibraahim oo ka mid ah ciidamada la diiwaangeliyey.

Sikastaba, diwaan gelinta loo sameynayo Ciidamada ka soo goostay Jubbaland, ayaa timid ka gadal markii dowladda ay shaaciyay in Askarta soo goosta ay heli doonaan abaalmarino darajo Cidian iyo xaquuqda kala ee Askarinimo, waana sababta ka dambeysay in boqolaal askari oo ka yimid dhinaca Jubbaland ay ku soo biiraan Ciidanka Xoogga Dalka.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.