image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Jubbaland oo soo saaray amar culus oo ku socda Shirkadaha Diyaaradaha ee tagi jiray Raaskambooni

Waxaa sii kordhaya khilaafka u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedka Jubbaland, kaasi oo ka dhashay doorashadii dhowaan dib loogu dortay Ahmed Madoobe, taasi oo ay Dowladda Dhexe ku tilmaamtay in ay tahay mid sharci darro ah, waxaana ciidamo ay Dowlada geysay magaalooyin katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiid iyo duulista Hawada ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in joojiyay diyaaradihii tagi jiray Magaalad Raasambooni, waxaana digniin loo diray shirkadaha Diyaaradaha.

Jubbaland ayaa sheegtay in amarkan uu gaar ah ugu socdo shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, maadaama xaalad colaadeed ay ku jirto magaalada Raas Kambooni, isla markaana digniinta ayaa lagu sheegay diyaaradii u hogaansami weyda inay qaadi doonto masuuliyadda wixii ka dhasha arrintaasi.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdullahi Dubad Shill ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Jubbaland uga digaysaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya inay ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee Raas Kambooni.

Waxa uu sheegay in Deegaankaas uu ka jiro xaalad colaadeed oo halis ah, taasoo keeni karta khatar weyn oo dhinaca amniga ah.

Ugu dambeyntii Wasiirka Gadiidka Jubbaland ayaa carabka ku dhuftay in shirkadaha diyaaradaha ay u hoggaansami doonan amarka Wasaaradda Gaadiid iyo duulista hawada ee Jubbaland.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.