image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

PUNTLAND oo ‘’Jahwareer ‘’ ku keentay go’aankii SSC ee 17-da xildhibaan.

Garoowe (ONKOD)  Hoggaanka SSC Khaatumo dhawaan waxay soo saareeen go’aan ay ku sheegayaan in sanadkan deegaanadeeda Puntland aysan ka xuli karin xildhibaanadii 17-ka ee SSC.

Arintan ayay sal uga dhigeen doodistooda ku aadan inay noqdaan maamul ka madax banaan kuwa la deriska ay yihiin ee Somaliland iyo Puntland.

Talaabaadan waxay keentay jahwareer xaga siyaasada ah , maadama Puntland hadda ay  galayso soo xulida xildhibaanada Golaha wakiilada iyo doorashadii  madaxwaynaha.

Siyaasiin badan oo Puntland ka wada hardaganka siyaasadda ee hoggaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dabaysha siyaasadeed ee ka soo  gashay maamulka SSC – Khaatumo oo deris la ah Puntland.

Go’aanka SSC Khaatumo ayaa dhinac kale u jihaysay doorashada Puntland ee sanadkan maadama 17 ka mida ah xubnaha wakiilada ka imaan jireen sanado badan deegaanada SSC.

Xaaladda Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isugu darsamay khilaafka doorashada ka dhashay oo aan xal  buux loo helin iyo go’aanka ay qaateen Isimada SSC  , taas oo ah saamayn kale oo aan la dhayilsan karin.

Isimmada Khaatumo ayaa soo saaray go’aan ay ku joojiyeen xulista xildhibaanadii ay ku lahayeen Puntland, kuwaas oo dhan 17 xildhibaan.

Si kastaba talaabada Isimmada ayaa yimid xilli xulista xildhibaanadu ka socoto Puntland qaar badan oo ka mid ahna ay odayaasha dhaqanku soo saaraan.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.