image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

WARCUSUB : Kooxda AS oo weerar toos ah ka gaystay gudaha Baydhabo.

Baydhabo (ONKOD ) Kooxda Al-Shabaab ayaa weeerar ayaa weerar toos ah waxay ka fulisay  xaafado ka mid ah magaalada Baydhabo ee gobolka Baay sida ay ku warameen dadka deegaanka.

Weerarka oo lagu eekeeyay fariisin ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin waqooyiga magaalada ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Isbitaalka  magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa la dhigay tiro dhaawacya ah oo isugu jira ciidanka maamulka iyo dad rayid ah kuwaas oo ku waxyeeloobay weerarka ka dhacay magaalada Baydhabo.

Dadka ku sugan magaalada Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay  in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha maamulka  koonfur Galbeed ayaa sheegay in dagaalkaas saacadaha qaatay ay soo afjareen isla markaana ay dileen sida ay hadalka u dhigeen xubno ka mid ahaa kooxda Al- Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ciidanka  maamulka  koonfur Galbeed ayaa xaafadaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxa ay ka wadaan howlgalo ay ku doonayaan in ay ku sugaan ammaanka magaalada oo marar badan dagaalo ay ka dhaceen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta lgau dagaalamay ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgallo ka bilaabay duleedka magaalada Baydhaba.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.