image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xukuumadda Xamse oo gashay heshiisyo qarsoodi ah , Farqaha la is haystaa

Muqdisho (ONKOD) waxaa soo baxaya xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka kuwaas oo samaystay kudlad ay ku midaysan yihiin isla markaana eedeyn u jeedinaya xukuumadda Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.

Xildhibaanadan oo la baxay Toosin-Qaran ayaa  sheegay in xukuumadda ay gashay heshiisyo qarsoodi ah oo aan laga war hayn taas oo ay xuseyn in ay ka dhalan karto dhibaatooyin kala duwan.

Waxa ay sheegeen xildhibaanadan in xukuumadda Xamse  Cabdi Bare ay ku fashilantay dhamaan waxyaabihii loo baahnaa in dalka laga qabto , taas bedelkeedana ay ku mashquulsan tahay wax aan  loo baahnayn.

“Xukuumadda way ku fashilantay Shaqadii loo igmaday, heshiisyo Qaranka halis ku ah oo qarsoodi ayey xukuumadaan la gashay dalal kale, Ra’iisul wasaare Xamza waan in uu hor imaadaa Baarlamaanka,” ayay ku sheegeen war ay soo saareen.

Intaas waxa ay warkooda ku dareen in xukuumada marnaba aanay waxba ka qaban dhibaaotooyinka ka dhacay dalka ee sababta u ahaa daadakii ku dhuftay gobolada dalka ee dhibaatada badan ay ka soo gaartay qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Xukuumadda ayay ugu baaqeen in aysan ku lug yeelan qorshaha wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee dalka oo ay sheegeen in ay u arkaan ujeedo gaar ah oo lagu marooqsanaya awooda dalka.

Waxay soo jeediyeen dastuurka la dhameystiro, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo umadda Soomaaliyeed kala geynaya,isla  markaana la keeno qorshe kale oo ku aadan arrimaha Dastuurka.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.