image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DENI oo wajahaya mucaarado xooggan & isbahaysyo ka abuurmaya

Garoowe (ONKOD) Magaalada Garoowe ee Puntland waxaa ka soconaya  Ololaha doorashada oo loogu jiro hanashada kursiga madaxtinimada maamulkaas waxaana halkaas ku sugan musharaxiin badan.

Ololaha socda ka sakow waxaa arrimahaas bar bar socda kulamada looga hadlayo sidii doorashadu ay ugu dhici lahayn si daahfuran oo qori isku dhiib ah oo aanay wax dhibaata ah u dhicin.

Musharaxiin ku sugan magaalada Nairobi ayaa samaystay isbahaysiyo taas oo la sheegayo in ay  culays ku keeni karto Ololaha doorasho ee uu ku jiro Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni ayaa Olole ugu jira sidii markale uu u soo laaban lahaa , waxaana isbahaysiyada qaar ay ku eedeyeen Deni inuu doonayo in doorashadu  uu boobo iyaga oo tusaale u soo qaatay wixii Garoowe ka dhacay ka hor inta Deni uusan ka laaban doorashadii uu doonayay ee qof iyo cod.

Musharaxiintan isbaheystay ayaa war-saxaafadeedka ay soo saareen waxa ay sheegeen in ujeedka is-bahaysigan uu yahay in la xaqiijiyo doorasho nabdoon oo natiijadeeda lagu wada qanacsan yahay in ay ka qabsoonto Puntland 2024.

Xubnaha musharrixiinta isbaheestay oo kala ah Axmed Ciise Cawad, Aadan Shiikh Doon, Faarax Cali Shire, Cali Xaaji Warsame iyo Maxamuud Axmed Mashruuc ayaa ugu baaqay musharaxiinta kale iyo odayaasha dhaqanka in ay qeyb ka noqdaan isbedel siyaasadeed oo ka dhaca Puntland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.