image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Suurtagal ma tahay in Xasan uu kala jabiyo mucaaradka?- Shirka Villa Somalia.

Muqdisho (ONKOD ) MW Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu kula kulmo xubno ka mid ah siyaasiin iyo madax hore kuwaas oo aad u dhaliilsan siyaasadda Xasan Sheekh.

Waxa lagu wadaa in Xasan Sheekh uu  kala hadlo xubnaha uu la kulmi doono arrimo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay dowladiisa iyo sida ay tahay in wax laga bedelo sida hadda ay wax  socdaan.

Masuuliyiinta  ilaa iyo hadda la filayo in Xasan Sheekh la kulmo ayaa kala madaxweynihii 7-aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Shariif Xasan Sheekh Aadan, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo C/qaadir Cosoble.

Masuuliyiintan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ku sugnayeen magaalada Muqdisho kuwaas oo dhawrayay la kulanka madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Shariif iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah ayaa qorsheynayey maalmahaan inay la kulmaan xildhibaanada, si ay ugu ololeeyaan in baarlamaanku diido qorshaha wax looga bedelayo dastuurka.

lama oga waxa kasoo bixi doona kulanka beri ka dhacaya aqalka villa Soomaaliya, madaxtooyada ayaa dadaalkeeda ugu badan isugu geyneysa sidii xubnahan looga dhaadhicin lahaa taageerida wax ka bedelka dastuurka.

Masuuliyiintan waxa ay  in dhawaalaba  ay qabeen aragti ah in Dowladda Federaalka wadada ay qaatay aanay sax ahayn oo ay jiraan dhaliilo loo baahan yahay in la saxo waqtigan.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.