image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xarunta Barlamaanka Puntland oo quful la saaray- maanta maxaa jira ?

Garoowe (ONKOD) Maxkamada Dastuuriga ee maamul goboleedka Puntland ayaa  kala dirtay xubnaha Barlamaanka maamulkaas ka dib markii muran uu ka dhashay muddo kordhintii sanadka ahayd ee ay samaysteen.

Buuq badan ayaa ka dhashay ka dib markii xal laga gaaray doorashada Madaxwaynaha in Barlamaanka maamulkaas uu  isku caleema saarto inuu sii joogi doono muddo sanad ah.

Madaxwaynaha waqtiga uu ka dhamaanayo Saciid Cabdullaahi DENI ayaa dhankiisa waxa uu qorshaynayaa in sida ugu dhaqsiyaha uu u soo magacaabo Guddiga doorashada maamulkaas.

Maxkamadda ayaa cadeysay in muddo xileedka baarlamaanka Puntland uu ku egyahay 31-12-2023, iyadoo meesha ka saartay go’aankii ay ku sameysteen muddo kororsiga.

Puntland, maamul goboleed dhisan tan iyo 1998-dii, ayaa todobaadkii hore u jiheysatay doorasho madaxwayne iyo baarlamaan kadib is-xag-xagasho siyaasadeed oo taagneyd ku dhowaad halkii sano ee ugu dambeeyay.

Hubanti la’aanta doorashadda ayaa soo idlaatay markii madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ku dhawaaqay in loo laabanayo doorashadda 66-da Xildhibaan kana laabtay cod-bixinta qof iyo codka ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.