image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Israa’iil Maxaabiis ayay sii daysay kuwo kalena way xiray- LAYAAB

GAZA (ONKOD ) Ururka ay leeyihiin Maxaabiista Falastiniyiinta ayaa sheegay in Israa’iil ay sii deysay 240 maxaabiis falastiiniyiin ah intii ay socdeen is waydaarsiga maxaabiista, laakiin muddadaas waxay kaloo xirtay 300 oo falastiiniyiin ah.

Madaxa Ururka Maxaabiista Falastiiniyiinta Cabdillaahi Al-Sakraay ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah inay gutaan waajibaadkooda oo ay sameeyaan guddi baaritaan oo caalami ah si ay u booqdaan maxaabiista Falastiiniyiinta una ogaadaan xaaladahooda gudaha xabsiyada Isra’iill.

Wareysi uu Cabdillaahi siiyay wargeyska Al-Quds, waxa uu ka digay waxa uu ku tilmaamay “beegsiga ku wajahan maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira xabsiyada kaddib markii ay dhammaatay xabad joojinta, waxa jira jirdil xun oo gaaray ilaa heer ay qaar maxaabiista kamid ah ay feeraha ka jabeen, qaar kalena ay dhinteen.

Sida laga soo xigtay Ururka Maxaabiista Falastiiniyiinta, Israa’iil waxay sii deysay 240 qof oo isugu jira haween iyo carruur ah intii lagu jiray heshiiskii hore ee maxaabiis is waydaarsiga, laakiin waxay xirtay 300 oo qof oo isugu jira rag iyo dumar Falastiiniyiin ah isla muddadaas.

Dhanka  kale  waxaa  soconaya duqeymo diyaaradah dagaal ee Israa’iil ay ka gaysanayaaan , marinka GAZA halkaas oo lagu soo waramayo in dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dalalka Caalamka ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay wax kaga qabtaan xaaladaha jira maadama aan isha laga daawan karin sida hadda wax u socdaan maadama isku day kowaad lagu guulaystay.

Maraykanka ayaa dhawaan sheegay inuu ku  baaqayo in la isugu yimaado wada – hadal si loo badbaadiyo dadka marasta ah ee ku dhamaanaya marinka GAZA maalin kasta

BBC / ONKOD

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.