image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Soomaaliya oo laga qaaday cuna-qabtaytii hubka 31- sanno ka dib

NewYork (ONKOD ) Golaha  amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 31- sanno ka dib waxaa lag qaaday cunaqabayntii hubka ahayn  ee saarnayd , ka dib dadaal Dowladihii dalka soo maray ay sameeyeen.

In ka badan 20 dal ayaa u codeeyay in hubka loo ogolaado Soomaaliya oo  in muddo ah ay ka jirtay xaalad hubinti la’aan ah oo la xiriirta arrimaha amniga iyo qalalasaha dagaal ee dalka uu ku jiro.

Golaha Amniga waxuu cunaqabateynta saarey Soomaaliya sanadkii 1992-dii xiligaasoo looga gol-lahaa, sidii loo joojin lahaa qulqulka hubka ee dagaal oogayaashii isku hayey dalka.

Go’aanka ah in dib looga fiirsado qaadista cunaqabateynta ayaa ku soo beegantay iyadoo ay isbedelayaan dhaq-dhaqaaqa gobolka iyo siyaasadda Soomaaliya oo isbedeleysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u heli lahayd xasillooni iyo dowladnimo, inkastoo ay weli jiraan caqabado dhawr ah .

1992, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu Soomaaliya ku soo rogay cunaqabatayn loogaga jawaabayay colaadda sokeeye ee dalka halakeysay, taasoo sabab u ahayd dadka tirada badan ee dhimanayay iyo burburka baahsan.

Hasayeeshee, cunaqabatayntaas dhowr jeer ayaa la cusboonaysiiyay oo wax laga beddelay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.