image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Barlamaanka Puntland oo tuuray ka doodista xeerka doorasho

Garoowe (ONKOD ) Maanta oo Axad ah sida wararka ay sheegayaan waxaa gebi ahaanba laga saaray ka doodista xeerka doorqshooyinka qof iyo cod ee muranka xooggan ka taagan yahay.

Arintan ka saarida Ajandaha ayaa ka danbeeysay, kadib markii uu khilaaf ba’an ka dhex abuuray xildhibaanada Baarlamanka Puntland, islamarkaana saamayn ku yeeshay habsami-u-socodka shaqada golaha.

Falanqeyayaasha ayaa sheegaya Ka-saarista ajendaha baarlamanka ee xeerka doorashooyinka qof iyo cod ayaa dhabar jab weyn ku ah madaxweyne Deni oo doonayey in deg deg loo ansixiyo xeerkan laguna kala baxo.

Xukuumadda madaxweyne Siciid Deni ayaa doonaysa in doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ee soo socota lagu qabto hannaanka qof iyo cod, halka siyaasiyiinta mucaaridka ah doonayaan in lagu galo nidaamkii 66 xildhibaan.

Mucaaradka ayaa sheegay inay dagaal ka xigaan muddo kororsi, waxaana horey ay iska horimaadyo uga dhaceen magaalada Garoowe, oo shacabka qaarkiis ay ka barakaceen.

Maalmo ka hor waxaa dib loo dhigay fadhigii Barlamaanka maamulkaas ka dib markii uu buuq badan uu ka dhashay ka doodista xeerka doorasho ee qof iyo cod ee uu riixayay sida la sheegay Saciid DENI.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.