image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

GAROOWE : Dadwayne diiday gacan ka hadlay oo isugu soo baxay waddooyinka

Garoowe (ONKOD ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxa maanta oo Khamiis ah isugu soo baxay , dadwayne aad u  fara badan oo  diidan in  gacan ka hadal uu ka dhaco magaalada.

Waxa ay dalbanayaan in laga fogaaado wax kasta oo keeni karo dhibaato iyo in dib loogu laabto halkii laga yimid 30 sanno ka hor sidaas darteeda ay muhiim tahay in  laga baaqsado.

Inta badan  dadka isugu soo baxay waddooyinka magaalada Garoowe waxay u badan yihiin haween kuwaas oo ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu gaarto marka ay dhacaan rabashadaha.

Qaar ka mid ah Haweenka  careysan ayaa ka dalbaday xildhibaanada inay bad-baadiyaan Puntland, si looga gudbo xaaladda adag ee haatan ka taagan maamulkaasi.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo usoo baxay haweenkaas ayaa la hadlay, waxayna u ballan qaadeen inay dajin doonaan xiisadda ka taagan Puntland.

Wararka  la helayo ayaa sheegay in fadhigii maanta ee Golaha wakiilada Puntland dhankooda uu ku bilowday  , gacan ka hadal iyo buuq  taas  oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

murashaxiinta xilka doonka ah  ayaa weli ku adkeysanaya inaan dib loo dhigin xiliga doorashada 9ka Janaayo 2024 , taas oo ay sheegeen haddii  ay dhacdo in ay keeni karto  gacan ka hadal.

Si  kastaba waxaa muuqanaya hubinti la’aan siyaasadeed oo ka dhashay , arrimaha doorashooyinka , waxaan markasta la filan karaa  gacan ka hadal ka dhasha doorashooyinka hadii aan wax iska bedelin sida ay wax u socdaan.

 

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.