image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DENI oo laga guuriyaya Aqalka Madaxtooyada Garoowe ee Puntland

Garoowe (ONKOD ) Magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland waxaa ka socda dadaalada isimadu ay ku doonayaan in ay ku dejiyaan xiisada ka dhalatay arrimaha doorashooyinka ee deegaanada maamulkaas.

Madaxtooyada Puntland ayaa qorsheynaysa sidii looga saari lahaa Madaxweynaha Xarunta Madaxtooyada haddii uu dhaco Dagaalka laga cabsi qabo inuu markale ka qarxo Magaaladaasi, sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah.

Xarunta ay ku taalo Madaxtooyada oo ah goob buur ah oo ka dheer magaalada, ayaa laga cabsi qabaa in garabka mucaaradku ay ku bartilmaameedsan karaan hubka culus ee muddooyinkii ugu danbeeyay ku aruursaneyeen duleedka Garowe.

Iyadoo Ciidamadii iyo gadiidkii dagaal ee ugu badnaa ay Xukuumadda soo galisay saaka, ayaa qeybo kamid ah xaafadaha magaaladaasi waxaa xirtay Ciidamada taabacsan Mucaaradka kasoo horjeeda muddo kororsiga dowladda.

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagnayd xaalad adag oo xaga siyaasadda ah ka dib markii la isku qabtay arrimaha doorashooyinka maamulkaas.

Ciidamo aad u fara badan ayaa sidoo kale lagu arkayay waddoooyinka qaar ee magaalada Garoowe taas oo dhanka kale keentay cabsida laga qabo in halkaas dagaal uu ka dhaco isla markaana keentay qayla dhaanta ah in la dejiyo xiisadda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta Mucaaridka ah ayaa sidoo kale weli ku sugan goobihii hore islamarkaana ma jiraan ciidamo dib looga qaaday halkii ay joogeen.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.