image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Iska horimaad Khasaaro gastay oo Garawe ka dhacay

Muqdisho (ONKOD ) Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw ka dhacay iska horimaad sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaasayntu dhexmartay ciidamo ka tirsan dowladda Puntland iyo kuwa taabacsan dhinaca mucaaridka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda oo gelbinaya nin Youtuber ah lagu weeraray barxadda Garoowe.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday is-rasaasaynta halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Weli ma cadda waxa iska hor-imaadka sababay islamarkaana kama hadlin laamaha Amniga dowladda Puntland.

Dadkii oo dhaweynta u sameyn lahaa ninkan baraha bulshada caanka ka ah ayaa goobta ku kala cararay, waxaana magaalada Garawe soo maray daqiiqado xasillooni darro iyo kala carar ah oo shacabka la kulmen.

Dhinaca kale ciidamada mucaaridka ayaa hoobiye ku tuuray afaafka hore ee xarunta madaxtooyada inkastoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.