image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

WHO oo walaac kamuujisay digniino Isra’iil u dirtay Isbitaalaka Al-Qudus

New York (ONKOD)  Madaxa heyadda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay iney ka walaacsan yihiin digniino ay Israa’iil ku bixisay in si degdeg ah looga baxo Isbitaalka Al-Quds ee marinka Qaza.

“Waan ku celinaynaa – suurtagal maaha in la daadgureeyo Isbitaallada ay ka buuxaan bukaannada noloshooda ay ku jirto halis” ayuu yiri Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Sidoo kale, Isbitaalkan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee lagu daweynayo dhaawacyada ka dhashay duqeymaha Israel ayaa ku yaala agagaarka Tel al-Hawa ee marinka Gaza.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa ku booriyay beesha caalamka inay cadaadis ku saaraan ciidamada Israel inay joojiyaan beegsiga kaabayaasha caafimaadka iyadoo ugu baaqday Masar inay furto xadka Rafah.

“Waxaan waydiisanay beesha caalamka inay joojiyaan gardarada Israel iyo weerarada ka dhanka ah isbitaalada, dadka barakacay iyo gargaarka Caafimaadka,” ayuu yiri Ashraf Al-Qudra oo intaas ku daray in howlaha isbitaalka ay si aad ah u carqaladeeyeen joogitaanka kumanaan qof oo barokacayaal ah oo hoy ka dhigtay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.