image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Halkee maraysaa qorshaha ‘’dayn cafinta’’ Soomaaliya ?

Muqdisho (ONKOD) Xilli ay wali taagantahay hadal-haynta marxallada uu marayo hannaanka dayn cafiska dalka ee ay garwadeenka ka yihiin Hay’adaha Maaliyadda Caalamka (IFs) oo isugu jira Bangiga Aduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF) kaasi oo qorshuhu ahaa in Soomaaliya gebi ahaannba looga saamaxo qaan-lacageed gaaraysa illaa 5 bilyan oo doollarka Marakayka ah, ayaa waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhawaajisay in la joogo wajigii ugu danbeeyay ee lagu soo afmeerayay barnaamijkaas muddada soo socday.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka tilmaamay in Dowladdu ay kalsooni weyn ku qabto in la gebagebeeyo hannaanka dayn cafiska dabayaaqada sannadkan, taasi oo uu sheegay in ay horseedi doonto in dalku uu u furmo maalgashiga shisheeye.

“Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed ugu bushaareeyo in aan ku kalsoonnahay in deyn cafisku uu dhammaado bartamaha bisha Diseembar ee soo socota, shruudihii dhammaystirkooda nalooga baahnaana dhammaantood waan xaqiijinay” ayuu yiri Wasiirka oo hadalkiisa watay.

Wasiirka ayaa dhowaan dalka Maroco kaga qeyb galay shirka sannadlaha ee Banguga Aduunka iyo Hay’adda Lacagta Aduunka, oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirrada Maaliyadda dalalka Afrika, iyada oo inta badan looga hadlayay hagaajinta hannaanka maaliyadda iyo kor u qaadidda dhaqaalaha dunida.

Wafdigii ka socday Dowladda oo uu Wasiirku hoggaaminayay ayaa sidoo kale kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madaxda Hay’adaha Maaliyadda Caalamka kuwaas oo ay kala hadleen horumarrada laga gaaray dib u habaynta dhaqaalaha iyo hannaanka maaraynta maaliyadda Dowladda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.