image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Mucaaradka Puntland oo si kulul uga hadlay hadalkii kasoo yeeray Deni

Garoowe (ONKOD) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee maamulka Puntland ayaa si adag uga jawaabay hadalkii uu xalay jeediyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo uu ku sheegay in doorashada 2024 lagu qabanayo nidaamka qof iyo cod.

Sidoo kale, dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa gebi ahaanba ka horyimid in doorashada 2024 lagu qabto hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod.

Dhanka kale, Mucaaradka ayaa mar kale ku celiyay in madaxweyne Deni uu mudda kororsi sharci-darro ah ka dhex raadinayo nidaamka doorashada qof iyo cod si uu xukumka u sii joogo taasina aan marnaba la aqbali karin.

Dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqoonsanayn ku dhaqanka wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland oo ay ku tilmaameen mid sharciga baal-marsan.

Dowladda Imaaraatiga oo gacanta ku haysa ciidamada PMPF ee Puntland ayay sidoo kale u direen cabasho ka dhan ah PMPF waxaana ay sheegeen in ciidankaas madaxweyne Deni u isticmaayo mudda kororsi.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.