image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Museveni oo canaantay Somaliland ayaa yiri “Ma taageersanin in Somaliland ka go’do Soomaaliya ‘’

Kampala (ONKOD) War uu ku daabacay bartiisa  X ayuu ku sheegay Madaxwaynaha Uganda  Yoweri Museveni in waqtiga la joogo sinaba suurtagal u ahayn in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya muhiim-na ay tahay midnimada.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo Hargeysa iyo Muqdisho, ayna u baahan yihiin inay wada shaqeeyaan si buu yiri loo gaaro midnimada labada dhinac .

“Waxa madaxtooyada Entebbe igu soo booqday Ergayga Gaar ah ee Somaliland Jaamac Muuse Jaamac, anagu ma taageersanin in Somaliland ka godo Soomaaliya, waayo istaraateji ahaan waa qalad” ayuu yidhi Museveni

“Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu aqbalay inuu noqdo fududeeyaha midaynta Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu markale sheegay Madaxwaynaha Uganda  Yoweri Museveni.

Somaliland ayaa sheegta in ay  ka go’day Soomaaliya 1991-kii, balse ma helin aqoonsi caalami ah oo ku saabsan madaxbannaanida. Inta badan waxay ahayd nabad iyadoo Soomaaliya ay ka socdeen dagaallo sokeeye.

Museveni ayaa inta badan ah siyaasi aan la gaban hadallada, wuxuuna hadda kahor sidoo kale hadal u muuqday bahdil ku hor yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u sheegay inaanu isku haleyn ciidan shisheeye ee Soomaaliya

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.