image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Faahfaahin: Dagaalkii Ceel la-helay intaan ka og nahay illaa hadda

GAALKACYO (ONKOD) – Dowladda Somalia way ka gaabsatay ka hadalka dagaal iyo qaraxyo Al-Shabaab ku qaaday tuulada miyaga ku taalla ee Ceel La-helay ee gobolka Galgaduud Jimcihii shalay.

Warbaahinta gudaha ayaa iyana aan awoodin inay goobta gaarto, halka wariyayaasha tirada yar ee wararka ka baahinaya Muqdisho ay wajahayaan hanjabaado ka reebaya inay xaqiiqada jirta dadka u sheegaan.

Hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda baahisay sawiro ay ku sheegtay laga soo qaaday dagaalkii ka dhacay Ceel La-helay oo ah qiyaastii 50km u jirta Dhuusamareeb.

Al-Shabaab waxay sheegtay in 71 askari ay dileen oo ay ku jiraan ciidanka Mareykanku tababaray ee Danab.

Al-Shabaab waxay kaloo sheegtay in gaadiid dagaal iyo hub ay ku qabsatay dagaalka.

Ma jirto cid ka madax-bannaan oo xaqiijineysa sheegashadan. Al-Shabaab ma sheegin khasaaraha gaaray dhankooda.

Baraha bulshada waxaa saacidiihii lasoo dhaafay ku faafay dad u tacsiyeynaya xubno ka mid ah qoysaskooda oo ku geeriyooday weerarka Jimcihii ka dhacay Ceel La-helay. Dadkaasi dhammaantood ayaa ah askar iyo xubno ka tirsana maleeshiyaad beeleedka la socda ciidanka dowladda ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Ilo wareed dhanka amniga oo kusugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidanka dowladda oo Jimcihii kasoo baxay Ceel La-helay ka dib markay Al-Shabaab soo weerareen ay dib ugu laabteen Subaxdii Sabtida, ka dibna ay bilaabeen hawlgalo roondo ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.