image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Qoorqoor iyo senatoro ka badbaadin dil la soo maleegay+ Khasaaraha la ogyahay

Wisil  (ONKOD) Baabuur uu waday qof is-miidaamiye ah ayaa lala beegsaday tuulada Laas Gacamey oo u dhaxaysa deegaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Dad ku sugan Wisil ayaa  sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan, islamarkana lagu weraray goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada, iyo xildhibano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegeen ilo-wareed lagu kalsoon yahay.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Galmudug Jeneral Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa xaqiijiyay geerida ciidamo ka tirsan madaxtooyada Galmudug iyo dhaawaca askar kale.

Taliye Gadaar ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Galmudug, Xildhiban Cabdi Qaybdiid, Xildhibaan Dhabancad iyo mas’uuliyiintii ku sugnayd deegaanka Laas Gacamay ay badqabaan, balse ay jiraan dhaawacyo ka dhashay burburka qaraxa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhaawac fudud uu gacanta ka soo gaaray, kaasi oo ka dhashay guriga oo ku soo dumay iyo jiingadaha guriga wax la xariira.

Si kastaba, Weerarkaan ayaa durba waxaa sheegtay maleeshiyada Al-Shabaab, oo dagaal ka dhan ah uu ka socdo gobollada dalka, kaasi oo kooxda looga qabsaday deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinayeen.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.