image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Somaliland ‘’Shanqoole & koox uu hoggaaminayo ayaa galay deeganadeena ‘’

Hargaysa (ONKOD) Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Laascanood ee gobolka Sool gudaha ay u soo – galeen xubno ka tirsan kooxda Al- Shabaab kuwaas tira ahaan gaaraya lix boqol oo dagaalame.

War ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in xubnahay Al- Shabaab uu hoggaaminayo  Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole), oo ka mid ah horjoogeyaasha Al-Shabaab.

Somaliland waxay sheegtay in Shanqoole uu doonayo in uu saldhig ciidan ka samaysto buuralayda gobolka Sanaag, waxayna sheegtay in bilihii lasoo dhaafay  ay kor u kaceen dadka la qorayo ciidamada iyo fidinta fikradaha xagjirnimada.

Somaliland ayaa sheegtay inay horey walaacyadeeda ugu gudbisay beesha caalamka iyo hay’adaha kala duwan ee amniga ee gobolka, maadaama dhacdooyinkan, ayey tiri, ay halis gelinayaan nidaamka bulshada.

Qoraalka waxa lagu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto talaabooyin adag oo ay kaga hortagayso kooxahan ay sheegtay in ay Laascaanood soogaleen, waxayna beesha caalamka ka codsatay caawimo.

Somaliland ayaa dabayaaqadii August looga adkaaday dagaalkii Laascaanood, ayada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-Cadde.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.