image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

SOOYAALKA : Shaah Ma Cabe oo lagu waayay weerarkii Cawswayne , Galgaduud

Muqdisho (ONKOD) Shaah ma Cabe, Waa 39 jir  dhashay Sanadkii 1984tii, Qoyskiisu waxa ay ahaayeen Reer Miyi, waxa uuna ku dhashay Deegaanka “Muluqeey” oo u dhaw “Biyacade” oo Wakhtigaa ka tirsaneed Degmada “Mahadaay” Gobalka Shabeelaha Dhexe. Halkaa oo ay Deganaayeen Aabihii Xasan Tifow iyo Hooyadii Fadumo Rooble Cadow, in kasta oo uu 39 Sano Jir ahaa Haddana waxa Alla ugu deeqay 19 Caruur ah oo uu dhalay. Wiilkiisa Curadka ah ayaa Sanadkaan Dugsida Sare Dhameeyay.

Saaxibkeey G/Sare, Mukhtaar Xasan Tifow deerow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), waxa uu Ciidan ahaa 20 Sano, Hadda Waxa uu ahaa Taliyaha Guutada 25-aad  ee Cumar Bin Khidaab ee  Ciidamada Xoogga Dalka. Waxa uu ahaa Xaaful Qur’aan, Waxa uu Dugsiaga Hoose dhexe ku soo qaatay Magaaladda Biya cade, kadibna Dugsiga Sare ee Mubaarak ee Magaaladda Mogdisho, kadibna  Heer  Jamacadeed ayuu ka bilaabay isla Magaaladda  Mogadishu.  Waxa uu tababar Ciidan ku soo qaatay wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Uganda, Ethiopia.

Inta aan ka aqaan waxa uu ahaa Geesi, Daacad, Go’aan leh, ma aheeyn Dadka Madaxda is tustuso, Ma laheyn  wax balwad ah sida Qaadka, Sigaarka, Kafeeda iyo Xatta Balwadaha Wakhti dhumiska ah.

Waxa uu ahaa Nin Mabda’ iyo Go’aan adag leh. In aan ku fogaado ma rabo Laakin waxaan isla joognay dhowr sano ka hor, Goobtii Dagaal ee uu  diiday in uu qaato $ 300, 000 uuna ka baxo dagaalka isaga oo aan heysan Hanti ka badan Mushaarkiisa.

Saddaxdii walaalihii ahaa Labo Ciidanka Qaranka ayeey ahaayeen Hore ayeyna Dagaal lagu difaacayo Dalka ugu geeriyoodeen, kan harayna waxa uu ku noolyahay Miyiga.

Haddii uu Noolyahay waa la arki doonaa, Haddii uu geeriyoodayna Shaah Janaad Alla ha siiyo. Waxaan u tacsiyeynayaa Hooyadii Fadumo Roble, Caruurtiisa, Xaaskiisa, walaalihii, Saaxiibadadii, CXD, Elheladii oo dhan iyo ummadda Somaliyed.

Maalintii isagu keena dambeeysay waxaa aan wada joognay Guri ku yaal Degmada Cabdicasiis ee Magaaladda Mogadishu oo Qado uu noogu sameeyay Saaxiibkeen. ( F.S:1aad)

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

W/Q  Yahya Amir

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.