image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

HADAL-HAYN : Madaale miyuu shaqaallaha dhacayaa ?

Muqdisho ( ONKOD ) Hadal si aad ah u dhibsadeen dadka badan oo ku nool magaaalada Muqdisho ayuu ka jeedayay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho meel fagaara ah oo ku taala magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in bishan September 2023  mushaarka shaqaalaha dowladda hoose ay ugu deeqeen ciidanka Dowladda ee howlgalka kala soo horjeeda kooxda Al- Shabaab.

Madaale ayaa si xamaasad leh  u sheegay in taas  qayb ka tahay sida uu yiri dhiirgalinta ciidanka ee halganka ku jira  kooxda Al-shabaab kaas oo  xoogiisa uu ka socdo Galmudug.

Dadka badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay , kuwaas oo sheegay in hadalkaas uu yahay mid Guddoomiyaha uu ku fududaay isla markaana  lagu  cuna- qabataynayo shaqaalaha Dowladda hoose.

Qaarkoodba ayaa sheegay in hadalka Guddoomiye Madaalle uu dhaawici karo , howlgalada socda dhinac kalena u jihayn karo sida hadda Dowladdu u wado , maadama shaqaalaha qaarkood mushaar ku filan aan qaadan.

Inta badan shaqaalaha gobolka Banadair ayaa qaata lacag aan ka badneyn 300-dollar, taa oo shaqaalaha qaarkood qoysas ka biishaan , sidoo kale ka bixiyaan kirada guryaha ay dega yihiin, waxaana laga yaabaa haddii ay hal bil waayaan xaalku ku adkaado.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana loogu baaqay in uu ka laabto goáanka uu shaqaalaha gobolka Mushaarkood ku deeqayo, waxaana loogu baaqay in ugu yaraan qeyb kamid ah mushaarka ku deeqo ama ku deeqo midka ay madaxda sare qaataan.

 

 

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.