image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

HOWLGALKA : Baadida ninbaa kula deydeya- daalna kaa badan !!

Dhuusmareeb (ONKOD )  Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa dib ugu soo gurtay degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee Galmudug ,halkaa soo ay  hore ugu saareen kooxda Al- Shabaab.

Ceelbuur waxa ay ka mid ahayd meelaha isha aad loogu hayay ee ay ku sugnayeen hoggaamiyaasha kooxda Al- Shabaaab ee dowladda ay aad u doon-doonaysay iyo saxiibada kale ee ku garab siinaya dagaalka.

Waxa jira in tuhuno badan uu hareeyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ka dib fashilkii ku dhacay ciidanka howlgaladii ciidanka ay ka fuliyeen deegaano badan oo  ka tirsan Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku doonayso in ay kaga adkaato kooxda Al- Shabaab hase ahaatee waxa jira xagal daacooyin kala duwan oo saraakiisha dowlada dhaxdooda ah sida ay sheegayaan xogaha la helayo.

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid oo tuhunsan in aan daacad laga ahayn daalka ayaa bartiisa  Facebook soo dhigay maanso uu ku cabirayo in aan daacad laga hayn dagaalka .

Waxa uu soo qaaday maansadii ahayd :

Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne

(Abwan. Qamaan Bulxan) AHUN.

Sidan oo kale dad badan ayaa tuhunsan in aan la doonaynin in si dhab ah loo qabto howlgalka oo aanay jirin daacad  la xiriirta ciribtirka kooxda Al- Shabaab oo muddo dheer dagaalka kula  jirta Dowladda Soomaaliya.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.