image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

“Shabaab la dirir, shabaab ku beddel waxba soo kordhin meyso”

Amsterdam (ONKOD) Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bilaabayso wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab isla markaana uu hoggaaminayo oo dhuusmareeb kala soconayo Madaxwaynaha Soomaaliya.

Sida Dowladd Soomaaliya ay u wajahayso howlgaladan ayaa hada lagalinayaa shaki badan oo la xiriira awooda iyo  qorshaha lagu wajahayo , maadama ay muuqayso in ciidanka la doonayo in ay dhaqaaqaan.

Dr. Cumar Axmed Weheliya, macalin culluunta islaamiga ah ka dhiga Jaamacadda Islaamiga magaalada Rotterdam ee dalka Netherland ayaa sheegay in Dowladda keliya waxa ay samaysay ay tahay dhoolatus , taasna laga fiicnaa.

Waxa uu sheegay in xeeladaha dagaalka marnaba qabin la soo bandhigo  goobaha la weerarayo iyo cudada ciidanka dagaalka galaya iyo jihada loo socdo taas oo uu yiri waa iska dhoolatus ciidan.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray in awooda ciidanka ay yar tahay waxna aysan kaga duwanayn sida uu hadalka u dhigay dhinac kale ee ka soo horjeedo  oo ula jeeday kooxda Al-Shabaab.

“Shabaab la dirir, shabaab ku beddel waxba soo kordhin meyso” Dr. Cumar Axmed Weheliya ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dr. Cumar Axmed Weheliye ayaa dhinaca kale na xusay in guul kasta oo ay ciidamada dowladdu ka gaaraan dagaalka ay ku xiran tahay  taageerada ay muujiyaan dadka deegaanka.

Dr. Cumar Axmed Weheliye ayaa soo noqday maareeyihii dekadda Muqdisho bartamihii 2006-dii xilligaas oo ku beegneyd markii Golihii Maxaakiimtu ay la wareegeen inta badan Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.