image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wariye Bulbul oo maalintii Seddaxaad ku afduuban Muqdisho

Muqdisho (ONKOD) Wariye Maxamed Ibraahim Bulbul ayaa maalintii sedaxaad ku afduuban magaalada Muqdisho.

Khamiis ayaa rag hubeysan oo dhar cad ahaa, isla markaana watay baabuur aan lahayn calaamad ay ka kaxaysteen xarunta Jaamacadda Muqdisho oo uu ku sugnaa. Raggaasi oo watay bastoolado ayaa Bulbul ku bilaabay weerar gacan qaad ah iyo handadaad ka hor intii aysan kaxaysan.

Ma jirto eedeyn illaa hadda laga keenay Bulbul, hase yeeshee qabashadiisa ayaa timid maalin uun ka dib markii uu baahiyay warbixin baariseed ku saabsanayd askar boolis ah oo ka cabaneysay lacago gunno ah oo laga musuqmaasuqay.

Askarta ayaa ka qeybgalayey seminaar ay soo qabanqaabisay hay’adda Midowga Yurub ee EUCAP.

Qareenada iyo qoyska ayaa loo diiday inay la kulmaan wariye Bulbul.

Wariye Bulbul ayaa sidoo kale ah Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS.

SJS ayaa cambaareysay weerarka iyo falka afduubka ah ee lagula kacay wariye Bulbul.

Waxayna SJS ku baaqday in deg deg loo siidaayo wariye Bulbul.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.