image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

XAQIIQ: Xasan Sheekh oo dhaleecayn kala kulmay tacsi la’aanta Abwaan KEDIYE

Muqdisho (ONKOD) Magaalada Laascanood ee gobolka  Sool waxaa ku geeriyooday , AUN Abwaan Jaamac Kadiye, kaas oo ku dhintay madaafiic ay Somaliland ku garaacday magaalada.

Soomaalida dhaxdeeda ayaa geerida abwaankan Soomaaliyeed si wayn ay u gilgishay waxaana ka tacsiyadeeyay , madax ,masuuliyiin iyo siyaasiin badan .

Abwaanka ayaa waxa uu taariikh mug weyn ku dhex leeyahay Soomaalida, maadaama noloshiisa inta ugu badan uu ahaa curiye oo gabayada iyo geeraarrada uu tiriyay in badan oo kamida ay gayiga Soomaaliyeed ka caan bexeen.

‘’Mudane Madaxweyne, kollay waad haysaa xogta dilka loo geystay Abwaan ka weyn ee Soomaaliyeed oo ka dhacay Laascaanood. In aad tacsi u quuri weydo Abwaan Jaamac Kediye oo ku hoos dhintay calanka Soomaaliya, ayna dileen kuwa diiddan calanka oo doonaya in ay dalka kala gooyaan, runtii waa wax aan qaban dadka reer Laascaanood iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee aad Madaxweynaha u tahay’’  sidaas waxa yiri xildhibaan Ayub Ismail Yusuf

Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Laascaanood oo  ku geeriyooday, abwaanka waxa uu ku jiray da’aadda 70-meeyada, abwaanka ayaa ka gabyi jiray idaacdihii Soomaaliyeed ee radio Muqisho iyo radio Hargeysa 1972-dii xilligaasi oo dadku ay si aad ah u barteen.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.