image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Weriye Bushaaro Baandey oo maanta la xukumay

Hargaysa (ONKOD ) Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee maamulka Somaliland ayaa saaka oo Talaado ah xukun 1 sano oo xabsi ah ku ridday saxafiyad Bushaaro Cali Maxamed (oo loo yaqaanno Bushaaro Baanday).

Gabadhan wariyaha ayaa la xiray 15 May 2023, waxaana xariggeeda lagu eedeynayaa inuu ka dambeeyay wiilka madaxweyne Muuse Biixi oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Biixi.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday xukunkaasi saaka ka dib markii gabadha wariyaha la horkeenay maxkamadda. Dhowr jeer oo hore ayay dib u dhacday maxkamadeynta wariyaha.

Xukunka halka sano ayaa la sheegay inay iibsan karto iyadoo laga goynayo muddadii ay xirneyd, taasoo marka dib loo xisaabiyo ka dhigeysa dhowr bilood oo ka dibna lacag lagu beddeli karo.

Xukunkan ayaa yimid xilli xisbiga Kulmiye ee talada haya uu caqabad kala kulmayo shirkiisa ka dhici doona magaalada Burco oo ay Bushaaro kasoo jeeddo 20ka bishan Agoosto, taasoo odayaasha iyo waxgaradka reer Burco ay ku hanjabeen inaan shirka la qaban doonin inta Bushaaro ay xiran tahay.

Qareennada wariyaha u doodayey ayaa sheegay in inkastoo aysan jirin wax dembi ah oo lagu heley Bushaaro, haddana garsooruhu ku riday xukunka.

Xeer ilaalinta Somaliland ayaa Bushaaro ku soo oogtay eedeymo isugu jira baahin warar liddi ku ah maamulka Somaliland iyo inay wax ka sheegtay laamaha garsoorka Somaliland.

Ururka Saxafiyiinta SJS ayaa ku tilmaamay xukunkan mid siyaasadeysan oo looga gol leeyahay in lagu weeciyo sumcad daridda maamulka Somaliland kasoo gaartay xarigga wariye Bushaaro Baanday.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.