image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Laascanood : Somaliland oo duqeymo ka fulisay gudaha magaalada & duleedkeeda

Laascanood  (ONKOD ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in halkaas maanta laga maqlayo dhawaqa jugta culus oo ay is waydaarsanayaan ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka hoobiyaasha qaar ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaceen xaafadaha qaar ee magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Sedex qof ayaa ku dhintay bakhaar magaalada ku yaala oo uu madfac ku dhacay, halka nin nabadoon caan ahaa, uu isna ku dhintay madfac ku dhacay goob uu joogay.

Maalmihii la soo dhaafay waxa degnayd xaaladda magaalada Laascanood ee gobolka Sool , halkaas oo ay isku hayaan ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka ee diidan maamulka Somaliland.

Faahfaahin badan lagama hayo sida ay wax uga socdaan jiiddaha hore ee dagaalka ee magaalada Laasacaanood oo muddo dhawr bilood ahba ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.