image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

ARGAGAX : 5 caruur oo walaal ah oo aano qabiil darteed loo dilay

Galaadi (ONKOD) Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in shan wiil oo aad u yar yar aano qabiil loogu dilay degaan hoos-tago Degmada Gallaadi  ee dowlad deegaanka Soomaalida

Wiilashan la dilay oo kan ugu weyn uu jiro 13-sanno jir ayaa la sheegay xilliga la dilayay ay ka tageen goob xaflad aroos ah ka socotay, waxa ayna wiilashan seexdeen meel u dhaw dugsi Quráan ay dhiganayeen halkaas oo lagu dilay,

Dadka deegaanka ayaa ku waramay dilka wiilashan in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan, waxaana dilkan argagaxa leh la tilmaamay in uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo horey uga dhacay deegaanno hoostaga degmada Gallaadi.

Qaar kamidah Ehellada Carruurta la dilay ayaa Warbaahinta u sheegay in ay aad uga xun yihiin dilka loo geystay Carruurtooda, iyaga oo Maamulka dowlad degaanka ka dalbaday in deg deg usoo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaan weli ka hadlin dilkaas, hayeeshee dhowr jeer oo hore ayaa dilal la xiriiray aanooyin qabiil ay ka dhaceen dhulka degaanka dowlad degaanka, kuwaas oo hadda xiran.

Shacabka kunool dhulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa horay uga cabanayay Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka, kuwaas oo la kala diray, waxana goobihii ay ku sugnaayeen la wareegay Ciidamada Federaalka Itoobiya, kuwaas oo hadda amniga xaqiijinaya.

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.