image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

MD Sheekh muxuu ku qanciyay Odayaasha Ceelbuur ?

Dhuusmareeb (ONKOD) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo culays ka haystay beelaha , dega galgaduud si gaar ah Ceelbuur ayaa kulan la qaaday odayaasha deegaanka.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa  kala – hadlay Odayaasha dhaqanka Deegaankaas  ka soo jeeda  howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab ee la doonayo in dhawaan uu bilowday.

Xasan Sheekh ayaa odayaasha u sheegay in la diyaariyay ciidankii xureyn lahaa degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga.

Madaxweynaha ayaa u sheegay odayaasha in looga fadhiyo marka la xureeyo deegaannada iyo degmooyinka beesha degto in la helo ciidamo deegaanka ah iyo sidii looga shaqeyn lahaa dadka in dib loogu soo celiyo deegaannada.

Siyaasiinta & Saraakiisha Dowladda ayaa hore u  sheegay  in ay arkayaan  in ciidamo ahayn kuwa deegaanka la hubaynayo , taas bedelkeedana ay ahayd in loo daayo saraakiisha deegaanka.

Odayasaha la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballanqaaday in ay ka shaqeyn doonaan abaabulka ciidamo deegaanka ah , waxa ay sidoo kale madaxweynaha ka codsadeen in dowladda diyaariso kaalmooyin la gaarsiiyo dadka deegaanka

Tabashadan ay qabaan sarakiisha ayaa keentay in dib loo dhigo safarkii Madaxwaynaha uu ku tagi lahaa Dhuusmareeb iyo inuu soo baxo khilaaf ku saabsan howlgalka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.