image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda miyay u taag la’dahay qaraxyada Muqdisho ?

Muqdisho (ONKOD ) Magaalada Muqdisho 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay dhawr qarax oo waxyeelo u gaystay dad shacab ah oo ay haleeleen qaraxyada.

Degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay , qarax nooca miinada dhulka la galiyo oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa ujeedku ahaa beegsiga qaraxan hase ahaatee waxaa ku waxyeeloobay dad shacab ah oo saarnaa  mooto Bajaaj maraysay meel u dhaw  halka uu qaraxu ka dhacay.

Hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waa ku dhaawacmay Qaraxaas oo ka dhacay halka lagu magacaabo S Company oo ka tirsan Xaafada Suuqa Xoolaha.

Saraakiil ka tirsan Dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaas aysan jirin askar Dowladda oo waxyeelo ay ka soo gaartay hase ahaatee hadda ay wadaan howlgal amniga ay ku sugayaan.

Qaraxan waxaa ka horeeyay qaraxyo kale oo ka dhacay degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho , halkaas oo lagu beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Howlgalada way sii socdaan hadana waxa magaalada ka dhacaya qaraxyo waxyeelo u gaysta dadka shacabka ah ee caasimadda ku nool.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.