image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dhaqdhaaq sidee ah ayaa maanta ka socda Dhuusmareeb ?

Dhuusmareeb (ONKOD ) Madaxweynaha Dowladd Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamo ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa la geeyay degmada Dhuusmareeb , halkaa soo howlgal ay ka samaynayaan ka hor gaaritaanka Madaxwaynaha ee Degmadaas oo aad loo hadal hayo.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horey u gaaray wufuud hordhac u ah safarka madaxweynaha, waxaana ka qeyb ahaa taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad, kaas oo maalmo ka hor gaaray deegaannada Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay inuu hoggaamin doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo laga fulinayo deegaanno dhacaya bariga gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb waxaa waxaa uu safar ku gaari doonaa magaalada Xarardheere oo dhowaan laga saaray Al-shabaab iyo deegaanno kale oo ka mid ah gobolka sida ay sheegayaan wararka laga helayo Galmudug.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.