image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Qoyska Sahal: Madhibaan birimo boos ma yeelan karo ayaa nalagu heystaa!

Muqdisho (ONKOD) – Qoys ka soo jeeda beesha Madhibaan ayaa maanta soo bandhigay tacaddi muddo lagu hayey oo sababtay in aabaha reerka uu xabsi u galo.

Faadumo Subeyr oo ah seygeeda Sahal Daahir Cigaal uu haatan ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa Kaab TV u sheegtay in ninkieeda la afduubtay 4tii June 2023 xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ah halkii uu ku dhashay, kuna guursaday.

Sahal waa aabe siddeed carruur ah.

“Ninkeyga waxaa loo yimid 4tii June 2023 goor duhur ah isagoo guriga hortiisa taagan. Waxaa la geeyay Saldhigga booliska degmada Yaaqshiid. Maalin kasta waxaan ku laabanayeynay saldhigga anagoo raadineyna sababta loo xiray ayaa naloo sheegay in niman ganacsato iyo nin Madaxweyne hadda ka ah Maamul Gobolleedyada ay ku lug leeyihiin,” ayey tiri Faadumo.

Saddex maalmood markii lagu hayey Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid ayaa Sahal loo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho halkaas ayaa haddana lagu hayaa.

Faadumo Subeyr waxay sheegtay in nimanka ganacsatada iyo siyaasiyiinta is wata ay mudo daba socdeen reerka oo ay rabeen inay guriga xoog ugala baxaan.

Waxay ka dacwoodeen Maxkamadda Gobolka Banaadir, sidoo kale waxay dacwadda gaartay Al-Shabaab.

“Maadaama aan gurigeena u heysano dukumintiga, oo aan diidnay inaan, lana arkay waxa meesha ka socda waxay markii danbe lacag siiyeen Maxkamadda. Balse dowladdii Farmaajo ayaa naga celisay,” ayey tiri Faadumo oo intaa ku dartay markii uu Xasan Sheekh Maxamuud madaxweyne dalka ka noqday inay dib u soo laabteen nimankii ganacsatada iyo siyaasiyiinta ahaa.

Kooxda ganacsatada iyo siyaasiyiinta ah oo Kaab TV uu heley magacyadooda ayaa kasoo jeeda beelaha hubeysan ee Muqdisho.

Jimicihii la soo dhaafay ayay qoyskan soo gaartay warqad Maxkamadda Gobolka Banaadir kasoo baxday oo loogu yeerayo inay maxkamadda ku yimaadaan Isniinta 31 July 2023. Maadaama aabaha reerka uu xiran yahay, waxay warqadda u yeerista ku socotaa Faadumo Subeyr oo ah xaaska Sahal.

Dadka deriska la ah qoyskan ayaa ugu baaqay dowladda inay caddaalad u sameyso reerka Sahal Daahir Cigaal, ayna ka qabato kooxda dulmineysa ee dooneysa inay guriga ka saartaan.

 

 

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.