image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wasiirkii laga eryay Wasaaradda Maaliyadda oo hadlay ‘’Hormuudbaa ahaa ‘’

Muqdisho (ONKOD ) Wasiirkii Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu ku saameeyay  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Cilmi Maxamuud Nuur oo qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa sheegay intii uu xilka haayay uu  hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda, isla markaana uu ku faraxsan yahay xilka qaadista lagu sameeyay.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa dhinaca kale balanqaaday inuu la shaqeyn doono wasiirka cusub ee Maaliyada Biixi Iimaan Cige.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah”.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadd uu meel wanaagsan geeyay a si loo gaaro gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya.

Waxa aan rajeynayaa in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd in kasta oo culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda.

Si kastaba, xilka qaadista lagu sameeyay wasiir Cilmi ayaa loo sababeynayaa xiisaddii ka dhalatay shaqo joojintii uu laba maalin kahor ku sameeyay xisaabiyaha guud ee wasaaradda iyo agaasimaha guud ee dakhliga, walow uu markii dambe ka laabtay

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.