image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dekada magaalada Bosaaso oo aan maanta shaqayn sababta

Boosaaso (ONKOD ) Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa laga soo warinayaa in Maanta aysan Shaqeyneyn Dekadda Magaalada, iyadoo faah faahin ey kasoo baxeyso sababta xirnaanshaha dekadda.

Xogaha qaar  ayaa waxa ay sheegeeyaan in sababta Maanta aysan u Shaqeyneyn dekadda Magaalada Boosaaso ay tahay ka dib markii shirkadda DP-World ee laga leeyahay Imaaraadka ay canshuurta ku kordhisey badeecadaha ka soo degegi jiray dekadda , taasi oo ay ganacsatadu ka biyo-diideen.

Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa waxaa ay sheegayaan in aysan aqbaleyn lacagaha dheeriga ah oo ay Shirkadda DP World ay kusoo rogtay badeecadaha ay kasoo degsadaan dekadda, isla markaana Shaqa joojin ay ku dhawaaqeen.

Sidoo kale horay ayaa Siyaasiyiinta kasoo jeeda degaannada Puntland iyo Xildhibaano katirsan Golaha Wakiilada waxaa ay ku eedeeyeen DP-World aysan wax muuqda ka qaban marsada ay sannadaha badan gacanta ku hayso, balse marar kala duwan samaysay cashuur kordhin.

Xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa Shirkadda DP-World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta kula heshiisay in dib u dhis iyo ballaarin lagu sameeyo dekadda Boosaaso

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.