image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

GAROOWE : Halkee marayaan shirarka lagu dhamaynayo khilaafka jira ?

Garoowe (ONKOD ) Guddoomiyaha Baarlamaan Puntland, Cabdiarshiid Yuusuf Jibriil ayaa booqday Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo galinkii dambe ee shalay gaaray Garoowe.

Islaan Bashiir, ayaa ka mid ah Isimmada Puntland ee dadaal ku bixinaya xal u helida khilaafka Dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo diiddan wax ka beddelka Dastuurka iyo in doorashada ay dib uga dhacdo 8 January.

Magaalada Garoowe ee Puntland waxaa ka soconaya shirar kala duwan oo looga hadlayo , khilaafka ka dhaxjira mucaaradka iyo hoggaanka maamulka hadda jira si gaar ah Madaxwayne Saciid Deni.

Magaalada waxaa sidoo kale ku sugan , Madaxwaynihi hore ee Puntland Cabdiwali Gaas mar soo noqday Ra’isulwasaare iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Ra’iisulwasaare hore .

Ujeedka  gaaritaankooda ayaa ah xal u helida muranka gacan ka hadalka isu bedelay ee arriamaha doorashooyinka iyo isu keenista siyaasiinta kala irdhoobay sabab la xiriira doorashada Puntland.

Kulamada looga hadlayo xalinta dagaalkii ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa sii socon doona, iyada oo Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Somaaliya ee Cumar Cabdirashiid iyo Cabduweli Gaas la filayo inay la kulmaan Siyaasiyiinta mucaaradka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.