image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Al- Shabaab oo arbushtay amniga degmada Ceelbarde ee Bakool

Ceelbarde (ONKOD) Kooxda Al- Shabaab ayaa weerar gaadma ah waxaa lagu soo waramayaa in ay ku qaaday degmada Ceelbarde ee gobolka Baay.

Fariisimo ciidanka maamulka KGS ay ku leeyihiin degmadaas ayaa laga maqlayay saaka weerar  gaadma ah oo la sheegay in lagu qaaday ciidanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta labada dhinac ay is waydaarsanayeen in mararka qaar ay gaaraysay xaafadaha u dhaw fariisimaha ciidanka ee degmadaas.

Khasaare kala duwan ayaa lagu soo waramayaa inuu jiro hase ahaatee lama sheegin heerka uu gaarsiisan yahay , saraakiisha maamulka degmada uu weerarka ka dhacayna ma uusan ka hadlin.

Dhawr jeer sidan oo kale kooxda Al- Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimaha ciidanka Dowladda iyo kuwa maamulka koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degaanada maamulkaas .

Sidoo kale ciidamada Itoobiya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa maanta iski fidiyay duleedka degmada, halkaas oo ay ka wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan xubnaha soo weeraray.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay dib u laabteen, kadib saacado ay dagaal ka wadeen halkaasi.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.