image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Axmed Madoobe miyuu tagayaa Gobolka Gedo ?

Kismaayo (ONKOD) Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Jubbalad Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa markale ku celiyay  muhiimada ay leedahay in maamulkiisa  uu u baahan yahay wada- hadal uu la galo dadka deegaanka gobolka  Gedo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in talaabo kasta uu u qaadi doono sidii la isugu keeni lahaa dhinacyada siyaasadad ee degaanada maamulka  Jubbaland.

Siyaasiinta   gobolka Gedo ayuu ugu baaqay , in ay la  yimaadaan qorshe ku duwan sida hadda wax u wadaan si meesha looga saaro mad madowga mudda dheer soo jiitamayay eek a jira gobolka Gedo.

“Gedo waxaan u magacaabay maamul gobol, waxaan rabaa in la isugu yimaado oo qof kasta wixii uu tabanayo laga xaal-mariyo, kuwa maanta maamulka ka ah gobolka Gedo kuma jiro qof aan xumaan u qabno, waa inaad qaadataan masuuliyadiina’’ayuu yiri Axmed Madoobe.

Maxaxweynaha Jubbaland, wuxuu sheegay in Gedo uu tegayo oo wasiirradiisu ay tegayaan, isla markaana xal loo raadi doono khilaafka siyaasadeed.

Khilaafka siyaasadeed ee deegaanada maamul goboleedka Jubbaland ayaa taagaan in muddo ah waxaana wali jirin wax xal ah  oo laga gaaray waxaana muuqanayso wali inuu sii kordhayo khilaafka jira.

Dadka ku nool degmooyinka gobolka Gedo ayaa ka biyo diiday maamulka Axmed Madoobe uu u soo magacaabay gobolka Gedo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.