image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Qodobada wax laga bedelay Dastuurka Puntland & khilaafka oo ka sii daray

Garoowe (ONKOD ) Barlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah  u shaaciyay qodobada wax kaa bedelka lagu sameeyay ee Dastuurka maamulkaas

Bogga rasmiga ah ee Barlamaanka maamulkaas ayaa lagu shaaciyay dhammaan qodobada isbedelka lagu sameeyay kuwaas oo qayb ka ahaa khilaafka doorasho eek a jiray Puntland.

‘’Muwaadin Golaha Wakiillada Dowladda Puntland wuxuu idinla wadaagayaa ololaha wargelinta oo ku saabsan dib-u- habaynta, si dadweynaha oo dhan ay xog-ogaal ugu noqdaan isbadalka lagu samaynayo Dastuurka si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland Qodobka 139-aad farqada 3-aadn” ayaa lagu yiri fariinta uu shaaciyay Barlamaanka maamulkaas.

Fariinta lagu baahiyay Facebook-ga Barlamaanka maamulkaas ayaa lagu xusay in wax laga bedelay  qodobka 46-aad ee dastuurka Puntland, qodobka 56-aad, qodobka 64-aad, qodobka 7-aad iyo qodobada 112-113.

Qodobka 46-aad oo kamid ah qodobada Dastuurka ee wax ka bedelka lagu sameynayo ayaa waxa uu ku saabsan yahay xisbiyada siyaasadda waxaana uu Barlamaanka uu shaaciyay in dastuurka la waafajin doono.

Puntland waxaa wali ka taagan oo aan xal rasmi ah loo helin  khilaafka ka dhashay in la furo Dastuurka , taas oo keentay in meelaha qaar ay ka dhacaan , rabashado sababay dhimasho iyo dhaawac.

Lama oga in arintan sii murjin doonto xaaladda siyaasadeed ee ka taagan deegaanada maamulka Puntland  halkaas oo si wayn loogu soo hoerjeestay talaabada wax ka bedelka Dastuurka.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.