image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Shacab ah oo lagu laayay Shabeellaha Hoose + dadka dhaawac oo la soo qaaday

Marka (ONKOD) Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku geeriyooday  shan iyo toban kalena qarax  ka dhacay deegaanka Bariiri ee goboolka Shabeellaha Hoose sida ay sheegaan dadka deegaanka.

Qaraxa dadkan shacab ah ku waxyeeloobay ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso , waxaana qaarkood xaaladooda ay culus tahay isla markaana loo soo qaaday kuwa culus magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale khasaare uu kasoo gaaray dad doonayey in ay gurmadaan labada ruux uu qaraxa qabsaday, waxaana taas ay dhalisay in ay qarxaan labada miino oo kale, kuwaasoo  sababay geerida sedex ruux iyo dhaawac dadka kale, arrintaan ayaa bulshada argagax ku beertay.

Gobolka Shabeellaaha hoose  waxaa inta badan ka dhaco dagaallo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo midowga Afrika iyo Al-shabaab, waxaana sidoo kale ku lamaanan qaraxyada lagu aaso wadooyinka oo dhimaato ku haya shacabka ah, dhowaan Qarax ay caruur ku ciyaartay ayaa dilay 27 ruux.

Saraakiisha maamulka Shabeellaha hoose wali wax war ah ma aysan ka soo saarin qaraxan ka dhacay deegaanka Bariiri ee gobolka Shabeellaha hoose

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.