image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

CALI Jayte oo xilka laga qaaday & Beledwayne oo kala xiran

Beledwayne (ONKOD ) Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, isagoo xilkaasi u magacaabay C/llaahi Axmed Maalin Sufuroow.

Mr. Sufuroow waxaa la faray inuu deg deg ula wareego xafiiska, isla mar ahaantaasina uu dar dar galiyo shaqada xafiiskiisa.

Guudlaawe ayaa sheegay inuu tallaabadan qaaday kadib talo soo-jeedin ka timid madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle iyo “markii uu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dar-dargelinta howlaha kala duwan ee horyaalla” maamulka gobolka Hiiraan “iyo mideynta bulshada si loo hirgeliyo shuruucda dalka iyo dastuurka” dowladda HirShabeelle.

Masuulka xilka laga qaaday oo marar kala duwan horay u noqday guddoomiyaha gobalka Hiiraan, ayaa bilihii la soo dhaafay wuxuu hoggaaminaayay ciidamada maamulkaas iyo kuwa deegaanka ee guulaha ka gaaray dagaalka lagula jiro xoogaga Al Shabaab.

Cali Jeyte ayaa dhowaan sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh.

Ma cadda haddii ay xiriiraan xil ka qaadista Jeyte iyo hadalladii uu dhowaan jeediyey.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.