image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xasan Sheekh oo ku adkaysana doorasho qof & cod

Adis Ababa (ONKOD ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa markale ku celiyay muhiimada ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo dadka ay doortaan  hoggaamiyaha ay iyaga ay doonayaan.

Hadalkan ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya ka sheegay shirka meertada 14aad ee  ururka goboleedka IGAD oo ay ku sugan yihiin madaxda wadmada qaarada Afrika.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed Dowladiisa ay u jihaysay in doorasho loo dareero , maadama nidaamkii xulashada in muddo ah dalka uu ku jiray.

Waxa uu soo hadal qaaday Madaxwaynaha Soomaaliya heshiiska madasha wada-tashiga Qaran ee doorashada lagu gaaray oo  uu ku tilmaamay inuu ahaa mid dhabaha u xaari kara in dalka uu ka dhaco isbedel.

Waxa uu sheegay in heshiiskii lagu gaaray shirkaasi, ay hadda ka shaqeynayaan golayaasha dowladdu hirgalinta heshiiskaas.

Xasan Sheekh ayaa waxa kale oo uu madaxda IGAD la wadaagay in dowladdu tallaabooyin u qaaday dhinaca horumarinta nidaamka dowladeed, iyada oo la joogteyanayo kulamada golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday howlgalka  ciidanka Dowladda ay ku doonayaan in ay kaga adkaadaan kooxda Al- Shabaab waxaana uu xusay in Dowladda ay la wareegtay deegaano badan oo ay maamuli jireen kooxda Al- Shabaab.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.