image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sidee Al- Shabaab uga hadashay weerarkii Xeebta Liido ee Muqdisho ?

Muqdisho (ONKOD ) Kooxda Al- Shabaab ayaa war ka soo saartay weerar badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay kooxda Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalamayaasha kooxda ay weerareen goob ay ku caween jireen masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya

Kooxda Al- Shabaab ayaa sheegtay in talaabooyinka ay qaadeen waxyeelo ba’an ay ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan   Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa sidoo kale kooxda warka ay soo saartay ku sheegtay in weeraradan sidoo kale ay waxyeelo ku gaarsiiyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda sida hadalka u dhigeen.

War saxaafadeedka kasoo baxay kooxda Al-shabaab ayaa sidoo kale lagu xusay in weerarka mudadii uu socday ay ku dileen 29 ruux ayna ku dhaawaceen tiro intaasi ka badan.

Si kastaba hadalka kooxda Al- Shabaab ayaa imaanaya , iyadoo xalay weerar dad badan ay ku dhinteen ay ku qaadeen goobo dad badan ay isugu soo baxeen oo ku taala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.