image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Mr Biden ma saamayn doontaa tartankiisa 2024 da’diisa & kufidiisa badan

NEWYORK (ONKOD ) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa kufay oo dhacay ka dib markii uu bixiyey shahaadada ugu dambeysay ee xaflad qalin jabin ah oo ka dhacday Akadeemiyada Ciidanka Cirka ee Mareykanka.

Biden oo 80 jir ah ayaa si degdeg ah u kacay isagoo adeegsanaya hal jilib isagoo ay caawinayeen saddex qof, wuxuuna dib ugu laabtay kursigiisii isagoo si caadi ah u socda.

Agaasimaha isgaarsiinta ee Aqalka Cad ayaa mar sii horeysay yiri “waa uu fiican yahay”.

Markii Biden la kaalmeeyay, ayuu gadaal u taagay gacanta, isaga oo u muuqda inuu muujinayo waxa ku dhacay.

Agaasimaha Isgaarsiinta ee Aqalka Cad Ben LaBolt ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Biden uu wanaagsan yahay.

Biden ayaa mar kale u tartamaya doorashada 2024. Dhakhaatiirtu waxay caddeeyeen inuu caafimaad qabo oo uu u qalmo shaqada ka dib baaritaan jireed bishii Febraayo.

Madaxweynuhu waxa uu u taagnaa ku dhawaad saacad iyo badh si uu u gacan qaado mid kasta oo ka mid ah 921 arday oo qalin jabinayey.

Mr Biden, oo ah madaxweynihii ugu da’da weynaa ee Maraykanka soo mara da’diisuna tahay 80 jir ayaa garbaha la qabtay si uu u sara joogsado, isaga oo u muuqda in aysan wax dhaawac ah soo gaarin.

Dadka dhaleeceeya ayaa sheegay in Mr Biden uu aad u da’ weyn yahay oo uusan mar labaad u tartami karin madaxtinimada Maraykanka .

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.